Himilo – Hay’adda Caafimaadka Adduunka ayaa ugu baaqday dowladaha iyo hay’adaha caalamiga ah inay dardargeliyaan dadaallada lagu ciribtirayo Fayruska cagaarshowga, si loo yareeyo dhimashada ka dhalata kansarka beerka.
Agaasimaha Guud ee WHO, oo ka hadlayay Maalinta Caalamiga ah ee Cagaarshowga Adduunka oo maanta ku beegan, ayaa sheegay inuu qof u dhinto cudurrada beerka ama kansarka beerka ee la xiriira cagaarshowga 30-kii ilbiriqsi kasta, inkastoo la hayo habab lagu hortagi karo laguna daweyn karo cudurka.
WHO ayaa sheegtay in Hay’adda Caalamiga ah ee Cilmi-baarista Kansarka ay si rasmi ah u aqoonsatay cagaarshowga D inuu yahay cudur sababi kara kansarka, sida cagaarshowga B iyo C. Cagaarshowga D wuxuu ku dhacaa oo keliya dadka qaba cagaarshowga B, wuxuuna kordhiyaa halista kansarka beerka.Hay’addu waxay xustay in in ka badan 300 milyan oo qof ay dunida la nool yihiin cagaarshowga B, C iyo D, kuwaas oo sanad kasta sababa in ka badan 1.3 milyan oo dhimasho.
Hay’addu waxay sheegtay in, inkasta oo horumar la sameeyay, ay weli jiraan caqabado dhanka baaritaanka, daaweynta iyo maalgelinta ah, iyadoo ku baaqday in la kordhiyo maalgelinta gudaha, la ballaariyo adeegyada caafimaadka, la helo dawooyin jaban, isla markaana la ciribtiro takoorka la xiriira cudurka si loo gaaro yoolalka WHO ee sanadka 2030.