Jarmalka oo lagu qabtay tartanka 65-aad ee legdinta faraha

Himilo – Gobolka Bavaria ee Jarmalka ayaa lagu qabtay tartanka 65-aad ee legdinta faraha, iyadoo ku dhowaad 150 tartame ay isku dayeen inay muujiyaan awoodda farahooda.

Tartanka oo ka dhacay Pflugdorf-Stadl, waxaa wareeg kasta isaga hor imaanayay laba tartame oo miis iska soo horjeeda fadhiya. Waxay farahooda dhexe gashtaan xadhig maqaar ah, kaddibna mid kasta wuxuu isku dayaa inuu gacanta qofka kale dhiniciisa miiska u jiido.

Ciyaartu waxay badanaa socotaa dhowr ilbiriqsi, balse mararka qaar waxay gaartaa ku dhowaad hal daqiiqo.

Legdinta faraha ayaa asal ahaan ka soo jeedda dhulka buuraleyda Alps, waxaana weli si weyn looga ciyaaraa gobolka Bavaria.

Tartanka sanadkan, Ferdinand Seitz ayaa ku guuleystay horyaalka qaybta waayeelka. Ninkan ayaa sheegay in xanuunka tartanku yahay mid aad u daran oo aan loo adkeysan karin.

Hoose ka daawo muuqaalka

error: Copy lama Ogola Fadlan