Himilo – ugu yaraan sagaal qof ayaa ku dhintay iska horimaadyo u dhexeeya bulshooyinka qowmiyadaha Oromada iyo Soomaalida ee koonfurta Itoobiya, halka in ka badan 2,000 oo qof ay ka tallaabeen xuduudda una qaxeen dalka Kenya.
Guddoomiyaha gobolka Marsabit ee Kenya, Stanley Kamande, ayaa sheegay in kumannaan Itoobiyaan ah ay galeen magaalada Moyale ee dhanka Kenya, kaddib markii dagaallo hubeysan ay ka qarxeen dhinaca Itoobiya ee xuduudda.
Wararka ka imanaya Itoobiya ayaa sheegaya in ugu yaraan sagaal qof ay dhinteen, tobannaan kalena ay dhaawacmeen. Hase yeeshee, tirooyinkan si madax-bannaan looma xaqiijin.
Iska horimaadyada ayaa la xiriira xiisad ka dhalatay calanka Dowlad-Deegaanka Soomaalida oo lagu soo bandhigay deegaan hoos yimaada maamulka dowlad-deegaanka Oromiya.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in haweeney ku sugnayd magaalada Mooyaale ay dhaawac ka soo gaartay xabbad laga soo riday dhinaca xuduudda ee Itoobiya.
Kenya oo gurmad u fidinaysa dadka barakacay
Laanqayrta Cas ee Kenya ayaa sheegtay inay gargaar degdeg ah u fidinayso qoysaska barakacay, iyadoo wejiga koowaad diiradda saareysa 1,000 qoys. Hay’addu waxay la shaqaynaysaa dowladda si dadka loo siiyo hoy ku-meel-gaar ah, cunto, biyo nadiif ah iyo agabka kale ee aasaasiga ah.
Mooyaale waa marin xuduudeed muhiim ah oo isku xira labada dal ee Bariga Afrika. Waxay qiyaastii 780 kiiloomitir waqooyi ka xigtaa caasimadda Kenya ee Nairobi, halka ay 775 kiiloomitir koonfur ka xigto caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa.
Rabshadahan ayaa walaac ka abuuray suurtagalnimada barakac hor leh iyo hakad ku yimaada ganacsiga isaga gudba xuduudda labada dal.