Nin PhD ka haysta Jaamacadda Princeton oo 2,300 shaqo codsaday, balse aan weli midna helin

Himilo – Jack Weis oo 30 jir ah, kana qalin-jabiyay Jaamacadda Princeton, ayaa sheegay inuu tan iyo markii uu shahaadada PhD-da ka qaatay jaamacaddaas sannadkii 2024-kii diray in ka badan 2,300 oo codsi shaqo, balse uusan weli helin shaqo. Haatan waxa uu ku nool yahay qaybta hoose ee guriga waalidkiis.

Ninkan oo haysta shahaadada PhD-da ee injineernimada kiimikada, kana soo jeeda magaalada Salt Lake City, ayaa shaqooyin ka raadiyay dhinacyo kala duwan, sida cilmi-baarista dawooyinka, shaybaarrada qaranka, injineernimada barnaamijyada kombiyuutarka iyo diyaarinta cuntada, sida uu qoray wargeyska The Wall Street Journal.

Wuxuu shahaadada koowaad ee jaamacadda Rice ku qaatay darajada ugu sarreysa ee ardayda, ka hor inta uusan PhD-da ka dhammaysan Princeton. Cilmi-baaristiisu waxay ku saabsanayd kiimikada qeybta  samaysanka barafka iyo isdhexgalka maaddooyinka, waxaana shaqadiisa soo xigtay guddiga Nobel-ka markii la shaacinayay abaalmarinta Fiisigiska ee sannadkii 2024-ka.

Inkasta oo uu leeyahay aqoon iyo shahaadooyin heer sare ah, haddana wuxuu ku guuldarreystay inuu helo shaqooyin iyo fursado. Codsiyo badan wax jawaab ah lagama siin, halka kuwo kalena lagu soo diiday, taasoo ku khasabtay inuu shaqo ka raadsado meelo ka baxsan takhasuskiisa.

Aabbihii, Dr. John Weis, oo dhakhtar ah, ayaa wargeyska u sheegay in qoysku uusan marnaba filayn in wiilkoodu shaqo la’aan la kulmi doono, maadaama uu yahay qof aqoon badan, dadka caawiya, daryeela deegaanka, isla markaana leh karti iyo firfircooni.

Dhibaatada shaqo raadintu kuma koobna Weis. Alicia Contreras, oo hore uga tirsanaan jirtay Hay’adda Mareykanka u qaabilsan Horumarinta Caalamiga ah (USAID), isla markaana haysata shahaadada MBA iyo 17 sano oo waayo-aragnimo shaqo dowladeed ah, ayaa iyaduna ku dhibtootay helitaanka shaqo tan iyo markii maamulka Madaxweyne Donald Trump uu xiray ama hakiyay inta badan hawlihii hay’adda ee dibadda.

Waxay sheegtay in lix bilood gudahood ay dirtay ku dhowaad 100 codsi shaqo, kaddib markii ay ku laabatay agagaarka Washington DC, balse aysan helin wax shaqo ah. Waxay tilmaantay in suuqa shaqadu aad u adag yahay, codsiyadeedana intooda badan loogu soo jawaabay diidmo, iyadoo hal mar oo keliya laga codsaday wareysi muuqaal ah oo adeegsanayo garaad gacmeedka (AI).

Sahan laga qaaday ku dhowaad 218 qof oo shaqo raadinayay, kaas oo ay samaysay shirkadda Andrew Hudson’s Jobs List, ayaa muujiyay in 61% dadka la wareystay ay ka walaacsan yihiin in loo-shaqeeyayaashu aysan wax jawaab ah ka bixin codsiyada shaqada. Qaar kale waxay sheegeen inay la kulmaan takoor da’ ku salaysan, tartan xooggan iyo xayeysiisyo shaqo oo been-abuur ah. Waxa kale oo jira walaac laga qabo in adeegsiga AI uu habka shaqaalaysiinta ka dhigo mid aan xiriir bani’aadamnimo lahayn.

Jack Weis ayaa muddo kooban shaqo ka helay shirkadda tiknoolajiyadda ee Mercor, taas oo khubaro ka shaqaalaysiisay tababarka nidaamyada garaadka gacmeedka AI. Shaqadaas wuxuu ku qaadan jiray saacaddii 70 doollar, isaga oo diyaarin jiray su’aalo la xiriira injineernimada kiimikada, qiimeyn jiray jawaabaha AI-da, isla markaana hagaajin jiray natiijooyinkeeda.

Mercor, oo sannadkii hore lagu qiimeeyay 10 bilyan oo doollar, ayaa la shaqaysay shirkadaha OpenAI iyo Anthropic, waxayna qandaraasleyaal ka qortaa takhasusyo kala duwan oo ay ka mid yihiin cilmiga xiddigiska, qoraalka hal-abuurka ah, sharciga iyo bangiyada maalgashiga.

Si kastaba, saacadaha shaqada Weis waxay u dhexeeyeen afar ilaa 20 saacadood toddobaadkii, ka hor inta aysan shaqadu gebi ahaanba istaagin, taasoo mar kale ka dhigtay qof aan lahayn dakhli joogto ah. Farriin uu iimayl ugu diray The Wall Street Journal ayuu ku yiri: “Saaxiibtinimadii Mercor way dhammaatay, shaqo la’aantuna hadda waa saaxiibkayga ugu dhow.”

Waxa uu sidoo kale isku dayay inuu xiriirro shaqo ka dhex abuuro ardaydii ay isla jaamacadaha ka qalin-jabiyeen iyo ardaydii hore ee Princeton iyo Rice, balse dadaalladaasi ma keenin fursado muuqda. Codsiyadiisa shaqo waxaa ugu dambayn ku jiray shaqo diyaarinta cuntada oo uu ka raadsaday shirkad iibisa keega hilibka carsaanyada laga sameeyo.

Ninkan ayaa hadda ka fikiraya inuu xirfad kale u wareego, wuxuuna isdiiwaangeliyay imtixaanka gelitaanka kulliyadaha sharciga ee LSAT, kaas oo la qaadayo bisha Nofeembar, si uu u qiimeeyo suurtagalnimada inuu barto sharciga.

Dhanka kale, wuxuu ku biiray dhaqdhaqaaqa Xisbiga Jamhuuriga ee gobolka Utah, wuxuuna hay’adaha federaalka u gudbiyay soo jeedimo ku saabsan wax-ka-beddelka xeerarka. Mid ka mid ah soo jeedimihiisa ayaa ah in caymiska caafimaadka laga madax-bannaaneeyo shaqada, si dadka aysan ugu qasbanaan inay shaqadooda ku sii joogaan oo keliya si ay u helaan caymis caafimaad. Wuxuu aaminsan yahay in arrintaasi ay dadka siin karto xorriyad ay shaqooyinka uga tagaan, taasoo fursado u abuuri karta dadka kale ee shaqo doonka ah.

Ninkan ayaa sidoo kale eegaya sidii uu ganacsi u abuuri lahaa. Isagoo adeegsanaya garaad Gacmeedka AI ah oo uu naqshadeeyay diyaarad aan duuliye lahayn (drone) oo ku rakiban leysarro iftiimiya, kuwaas oo loogu talagalay in lagu baabi’iyo geedka loo yaqaan Myrtle spurge, oo ah geed aan deegaanka u dhalan balse ku faafa kuna waxyeelleeya dhirta kale.

“Haddii aan dhab ahaantii aaminsanahay inaan wax qiimo leh ku kordhin karo, waa inaan anigu u dhaqaaqaa sidii aan fursaddaas ku heli lahaa,” ayuu Weis u sheegay The Wall Street Journal.

error: Copy lama Ogola Fadlan