Ozil: “Waxan Wenger weydiistay inuu heshiis ila saxiixdo.”

Muqdisho – Mesut Ozil ayaa shaaciyay inuu door ku lahaa kamid noqoshada Arsenal sanadkii 2013 – kadib markii uu soo tilifooniyay macalin Arsen Wenger isaga oo weydiisanaya inuu heshiis lagalo kana soo tago Real Madrid.

Laacibka reer Jarmal ayaa qirtay in go’aankan uu qaatay ay layaab ku noqotay boss Jose Mourinho, maadaama macalinkani moodayay in Ozil uu rabo inuu ku dhameysto waqtiga ka harsan xirfaddiisa kubadda cagta gudaha kooxda Real Madrid.

Ozil aabihiis, xilligaas wuxuu sidoo kale saluugsanaa nidaamka ka jira gegida Bernabeu. Mana la dhacsaneyn in wiilkiisu uu saxiix lagalo.

“Mr. Wenger,” ayaan ku iri. “Waxaan balan-qaadayaa inaad adigu tahay midka ugu horreeya ee aan kala soo xiriiray heshiis cusub oo aan lagalo koox kale. Hadana waxaan doonaya naadi cusub.”

“Arsen Wenger wuxuu ii sheegay inuu aad ii daneynayo oo uu la dhacsan yahay qaab-ciyaareedkayga.”

“Waxaan dareemay in ninkan oo aan la kulmin uu fikir weyn iga heysto; ina aaminsan yahay. Waana kalsooni aan aad ugu baahnaa.”

 

 

 

Hot this week

Ogow 10 xiddig oo soo maray academy-ga Man Utd oo wanagsanaaday markii ay ka tageen Old Trafford

Himilo – Manchester United waa mid ka mid ah...

What direction to go When You Obtain a Mail Order Bride?

You may have under no circumstances heard of...

Muxuu u jareynayaa qofka marka uu baqo?

Himilo - Natiijadda daraasad cilmiyeed oo ay sameeyeen baarayaal katirsan...

Ciidamada Iiraan oo ballanqaaday difaaca danaha qaranka, kaddib taageerada Mareykanka ee dibadbaxayaasha

Himilo - Ciidamada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa...

Mareykanka oo hakiyay gargaarkii uu siin jiray Soomaaliya kaddib eedeyn la xiriirta dhaca gargaar cunto

Himilo - Dowladda Mareykanka ayaa hakisay dhammaan gargaarkii ay...

Related Articles

Popular Categories

error: Copy lama Ogola Fadlan