Muqdisho – Aabbe ku nool gobolka bariga India ee Orissa, ayaa keligii waxa uu buur ka dhex jeexay waddo dhererkeedu yahay 8-km una dhiganta 5 mile, hawshan waxaa ku xanbaaray dhib haysta caruur uu dhalay.
Caruurtu waxa ay dhigtaan iskuul ka fog guriga, waxaa ku adkaatay ama wakhti badan uu kaga lumaa inay soo noqdaan marka laga soo daayo xaruntooda wax-barasho.
Waqti dheer ayay ku qaadan jirtay inay soo gaaraan guriga, taasina aabbahan waxa ay u horseeday inuu ka fekero sidii uu waddo toobiye ah ugu furi lahaa caruurtiiisa.
Labadii sano ee la soo dhaafay Jalandhar Nayak oo 45-Jir ah, waxa uu qodayey subax weliba buurta, isagoo watta faaskiisa waxayna ku qaadan jirtay 8-saacadood maalin kasta, si uu u jabiyo dhag-xaanta buurta wadana uga sameeyo.
Nayak oo aan weligii helin wax-barasho rasmi ah, waxuu ku noolaa xaafadd geri-go’an ah-(aan laheyd jidad ) oo 10 km u jirta halka uu ku yaalo iskuulka ay dhigtaan saddaxdiisa beer.
Hadda si fudud ayey lagu tagi doonaa caruurrt haddii la helo Waddooyin wanaagsan, balse kolkii hore waddo qardo-jeex ah ayaa dib ridi jirtay, sababtoo ah 5-buur oo yar-yar ayey caruurtu ka tallaabi jireen.
“Caruurteyda way ku adkaatay inay ku socdaan buurta geeskeeda si ay u tagaan iskuulka,” Nayak ayaa u sheegay sidaas Tva-Kalinga oo ka soo baxa wadanka Hindiya.
“Marar badan ayaan arkay iyagoo dhag-xaanta dhexmaraya, kadib waxaan go’aan saday in aan jid uga jeexo buurta si ay u maraan,” ayuu hadalkiisa ku daray.
Maamulka deegaanka waxay ogaadeen shaqada Nayak horaantii bishan, kadib markii war-baahinta gudaha Hindiya ay soo bandhigtay sheekadiisa, weligii ma weydiisan wax kaalmo ah.
Saraakiishu waxay sheegeen inay dhameystiri doonaa inta ka harsan waddada oo gaareysa ilaa iyo 7km si ay isugu xiranto Xaafadda Nayak iyo iskuulka ay dhigtaan Caruurtiisa. waxayna saraakiishu intaasi ku dareen inay Nayak siin doonaaa gaari uu waddada ku maro.
Nayak oo lahadlayey BBC-da waxa uu dowlada Hindiya ka codsaday inay tuuladiisa keenaan kononto iyo biyo lacabo.
Isha:- Oddity central
5 mg dL, 25, 50, or various combinations of these criteria cialis coupon Estrogen helps make the uterus more receptive to a fertilized egg