Sheekh Maxamed Cali Ibraahim,waxaa uu isku howlay in Ardeyda iyo Carruurta maraya Waddada Ceel Qalow ee degmada Wadajir uu gooysiiyo Laamiga.
Waxaa uu sheegay in shaqada uu isaga isu xilqaamay kaddib markii uu arkay Ardey badan oo ay dhibaato ka soo gaartay Gawaarida iyo Bajaajta mara Waddada isku xirta Zoobbe iyo Danwadaagta ee Magaalada Muqdisho.
Sheekh Maxamed waxaa uu sheegay in 12 Sano uu si iskiis ah shaqadan u wado walina ku qanacsanyahay maaddaama Carruurta uu waddada gooysiiyo la midyihiin kuwiisa oo kale.
Waxaa uu soo jeediyay ama codsaday in Kaabad ama Buundo dhawaan laga dhisay Waddadaas isaga loogu magacdaro.
Halkan ka daawo
https://www.facebook.com/RadioHimilo.so/videos/986602896034727