Himilo-Tartanka quruxda gobolka ee ka dhacay magaalada Altamira ee dalka Brazil ayaa kusoo idlaaday masiibo ka dib markii aabaha dhalay mid ka mid ah tartamayaasha uu bilaabay inuu toogto garsoorayaasha sabab la xiriirta gabadhiisa oo gashay kaalinta afaraad.
Dhacdadan yaabka leh ayaa dhacday bishii july 28-keedii, ka dib markii ay soo dhammaatay tartanka quruxda magaalada Altamira dhowr saacadood ka dib aabaha dhalay mid ka mid ah ka qaybgalayaasha, oo ah xoolo-dhaqato magaciisana lagu sheegay Sebastiao Francisco, ayaa bilaabay in uu ku qanci waayo in gabadhiisa ay kaalinta afraad ka gasho tartanka, isaga oo su’aal ka keenay go’aanka garsoorayaasha iyo shuruudaha qiimaynta.
Goobta ay ka dhaceysay tartanka quruxda ayaa waxaa ku sugnaa ciidamo gaar ah oo isugu jira Nabad sugid iyo Milatari, balse aabaha careysan ayaa u muuqday mid aan dan ka laheyn, waxaana uu mar qura la soo baxay baskoolad waxa uu damcay in uu toogto mid ka mid ah garsoorayaasha, balse booliiska ayaa dhaawacay isaga.
Sida laga soo xigtay markhaatiyaasha, Francisco waxa uu u arkay in gabadhiisa kaalinta afraad ay ka gasho tartanka quruxda in ay tahay sharaf dhac, maadaama uu u tiiriyay in ay farac u leeyihiin quruxda ayna qasab tahay shaki la’aan guuleystaha.
Isagoo aan ku qanacsanayn sharraxaadda garsoorayaasha, wuxuu isku dayay inuu arrintan gacantiisa kusoo afjaro, laakiin waxaa la toogtay ka hor inta uusan waxyeello u geysan dadka kale. Ninka xoolo dhaqatada ah ayaa loo qaaday isbitaalka balse waxa uu u dhintay dhaawacii soo gaaray.
Hoolka uu ka dhacay falkan naxdinta leh ayaa lagu soo waramayaa in ay buux dhaafiyeen dadka, waxaana saraakiishu ay waayeen xalkale oo aan ka ka ahayn in ay rasaas ku furaan aabaha careysan si ay u badbaadiyaan dadka goobta ku sugnaa. Waxa u suurtagashay in laba xabbadood ay ku dhuftaan ka hor inta uusan rasaasta furin, taas oo keentay in qof kalena uu ku dhaawacmo kaas oo isbitaal la dhigay.
Baaritaanka dhacdadan ayaa hadda socda si loo ogaado bal in booliska militariga ay ka hortagi kareen dhimashada aabaha caraysnaa.