Home / Caruurta / Aabe mamnuucay in la dhunkado gabadhiisa dhawaan dhaladka ah!

Aabe mamnuucay in la dhunkado gabadhiisa dhawaan dhaladka ah!

Himilo- Aabe 25 jir ah oo ay u dhalatay gabar ayaa dejiyay sharciyo layaab leh oo ay ku qasban tahay cid kasta oo dooneysa inay soo booqato dhallaanka.

Sida uu qoray wargeyska Mirror, aabaha oo magaciisa lagu soo koobay Jene ayaa sameeyay sharciyo ku saabsan booqashada loogu imaanayo qoyskiisa.

Mr Jene ayaa jecel in la raaco qoddobada sharciyeysan ee uu dhigay, haddii la jabiyo ma jecleysto sida laga soo xigtay.

Isaga oo u baqaya gabadhiisa iyo xaaskiisa, Jene ayaa mamnuucay in la dhunkado dhallaanka iyadoo la ogyahay in dad badan jecel yihiin inay dhunkadaan dhallaanka marka ay booqdaan.

Qoddobka kale ee xiga waa in uu joojiyay sawirrada laga qaado gabadhiisa isaga oo ka feejigan khatarta iftiinka ku dhaca indhaha dhallaanka.

Qaraabada qoyska ayaa ka carrooday sharciyada balse waxay u muuqataa in Jene uu ku adkeystay tilmaamaha uu bixiyay ee ah in aan la dhunkan gabadhiisa lagana qaadin sawirro.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan