Home / Habka-Nolosha / Aabe rahan dhigtay gabadhiisa markii lacag looga yeeshay maqaayad!

Aabe rahan dhigtay gabadhiisa markii lacag looga yeeshay maqaayad!

Himilo FM –Dalka Shiinaha, Aabe qalbi adag ayaa iska bixin kari waayay kharash uu kaga cunteeyay maqaayad iyadoo ay la socotay cunug uu dhalay.

Ninkan oo ka soo jeeda gobalka Guang Dong ee koonfurta Shiinaha ayaa jeebkiisa ka helay 0.75 doolar halka lagu soo dallacay lacag dhan 0.89 doolar.

Inkastoo uusan jirin farqi badan oo u dhaxeeya lacagta haddana ninka ayaa ku war geliyay maamulka maqaayadda in uu rahan u dhiganayo gabadhiisa oo uu ka tagayo si uu lacagta u keeno.

Sida laga soo xigtay wargeyska Daily Mail, Aabaha ayaa bannaanka uga soo baxay maqaayadda iyadoo gabadhiisa ku dhagan tahay oo ay ilmeynayso.

Maamulka maqaayadda ayaa ka shakiyay ninka iyaga oo u qaatay in uu soo afduubtay gabadha, waxay rumeysan waayeen in aabe uu gabadhiisa rahan u dhigto.

Shaqaalaha ayaa wacay booliiska si loogu sheego xaaladda taagan laakiin waxaa maqaayadda ku soo laabtay aabaha oo keenay lacagtii lagu lahaa.

Booliiska ayaa si kulul u cannaantay aabaha sabab la xiriirta ficilka uu sameeyay.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan