Home / Habka-Nolosha / Aaron Ramsey: “Arsenal way soo kabsanaysaa.”

Aaron Ramsey: “Arsenal way soo kabsanaysaa.”

Muqdisho – Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Arsenal, Aaron Ramsey ayaa sheegay in kooxdiisa ay soo kabsatay kadib markii ay ku billaabatay xilli ciyaareedkan qaab liita iyo natiijooyin aan wanaagsaneyn.

Gunners-ka ayaa soo gabagabeysay bishii August iyada oo guuldarro ay ka soo gaartay Liverpool iyo Stoke, waxaana kooxda ka tagay Alex Oxlade-Chamberlain isaga oo aaday Reds, waxaana shaki la galiyey hubin la’aanta mustaqbalka  laacibiinta ugu muhiimsan kooxda ee Alexis Sanchez iyo Mesut Ozil.

Arsenal ayaa hal mar kaliya laga badiyay tartamada oo dhan tan iyo bilowgii bishii September, iyada oo si fiican u ciyaartay kulankii ay 5-2 kaga badisay Everton.

“Ciyaarta Liverpool waxa uu ahaa mid nagu adkaaday,” ayuu Ramsey u sheegay Sky Sports.

‘Waxaan u shaqeynay si fiican dhawaan, waxaana heysanaa kalsooni buuxda, waxaan abuurnay fursado badan. Waan ku faraxsannahay sidaas.”

Arsenal ayaa wajaheysa hoggaamiyeyaasha horyaalka Premier League ee Manchester City Axadda iyada oo u soo baxday wareegga isreebreebka Europa League maalintii Khamiista.

Qore: Abdiaziz Adan Urur.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan