Home / Cayaaro / Aaron Ramsey oo wadahadalo kula jira PSG

Aaron Ramsey oo wadahadalo kula jira PSG


Himilo FM – Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Arsenal Aaron Ramsey ayaa wadahadal la yeeshay Paris Saint-Germain isagoo ku biiraya  kooxda heysata horyaalka Faransiiska bisha Janaayo.

Ramsey ayaa qandaraaskiisa Gunners-ka uu ku egyahay dhammaadka xilli ciyaareedkan, 27 jirkan ayaa qandaraas cusub u saxiixi doona kooxda kaddib markii uu burburay wadahadalkii qandaraas kordhinta ahaa.

Juventus iyo Inter Milan ayaa si aad ah loola xiriirinayay xiddiga reer Wales, laakiin sida laga soo xigtay L’Equipe, PSG ayaa sidoo kale tartanka  ku jirta.

Warbixinta ayaa sheegeysa in kooxda Paris Saint-Germain ay isku dayi doonto inay lasoo saxiixato Ramsey inta uu furan yahay suuqa kala iibsiga bisha Janaayo, waxaana ay isku diyaarinayaan inay bixiyaan 18 milyanoo ginni si ay ugu garaacaan kooxo dhowr ah saxiixiisa.

Ramsey ayaa dhaliyay labo gool 22 kulan oo uu u saftay kooxdiisa xilli ciyaareedkan.

About Mahad Mohamed

One comment

  1. priligy premature ejaculation pills 1 Triton X 100 solution, incubated in 500 Ојl of propidium iodide solution 50 ug ml containing 250 ug of DNase free RNase A, and analyzed for DNA content using a flow cytometer Beckman Coulter EPICS XL, USA

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan