Himilo-Aasaasaha TikTok, Zhang Yiming ayaa noqday ninka ugu taajirsan Shiinaha isagoo haysta hanti ku dhow $50 bilyan.
Zhang, oo lagu naanayso “boqorka muuqaalada gaagaaban,” ayaa markii ugu horeysay kaalinta koowaad kaga soo baxay Liiska dadka ugu Taajiriinta Shiinaha, hantidiisuna waxay gaartay $49.3 bilyan. Mr.
Waa qofkii 18-aad ee loo caleemo saaro ninka ugu taajirsan Shiinaha tan iyo markii Liiska Taajiriinta Shiinaha la bilaabay 26 sano ka hor.
Wuxuu booska kala wareegay Zhong Shanshan, kaas oo kaalinta labaad galay iyadoo hantidiisu hoos u dhacday 24% oo u dhiganta $47.9 bilyan.
Tiro ka mid ah bilyaneerrada liiska ku jira ayaa hantidooda hoos u dhacday sanadkan xaaladaha dhaqaale ee Shiinaha ka jiro owgeed.
Tani waxay ku soo beegmaysaa iyadoo uu jiro muran sharciyeed ku saabsan hantida shirkada ByteDance iyo Mareykan-ka, maadaama TikTok laga mamnuuci karo Mareykanka sanadka soo socda haddii shirkadda aysan iibsan muwaadiniin mareykan ah. Mareykan-ka ayaa shirkadan ku eedeeye in xogta dadka isticmaalo ay siiso dowladda Shiinaha – arrintaa oo ay shirkaddu iska fogeysay. Sharcigan waxa uu horay uga gudbay Golaha Wakiillada horraantii sanadkan.
Haddii sharciga la ansixiyo, shirkadda Tiktok waxaa qasab ku noqon doonta inay iibiso barnaamij-keeda muuqaalada
Haddii sharcigan la ansixiyo, shirkadda ByteDance waxay ku qasbanaan doontaa inay iibiso barnaamijkeeda TikTok ee muuqaalada la soo dhigo. Shircigo waxa uu u ongolaanayaa mudo sagaal bilood ah oo ay ku hesho iibsade, haddii kale waxa loo diidi doonaa inay Mareykanka ka shaqeeyso.