Home / Habka-Nolosha / Abaarta Australia oo saameyn tabban ku reebtay nolosha fiidmeerta

Abaarta Australia oo saameyn tabban ku reebtay nolosha fiidmeerta

Himilo- Tiro badan oo fiidmeerta Australia ah ayaa lagu soo waramayaa inay naf baxeen sabab la xiriirta abaarta darran ee saameysay cuntada xayawaankan.

Kooxda Bats Queensland ayaa u sheegtay wakaalada AFP in la diiwaan geliyay koror badan oo ku saabsan dhimashada fiidmeerta gobolada Queensland iyo New South Wales labadii toddobaad ee ugu danbeysay.

Ashley Farez oo katirsan kooxda Bats Queensland ayaa xustay in aysan horay u arag kororka dhimashada fiidmeerta inkastoo abaarta jirta tahay tii ugu darneyd.

“Waxaan fileynaa in xaaladda sii xummaato, oo isbadalka cimilada sii adkeeyo abaarta, taasi oo mid adag ku noqon doonta fiidmeerta,” ayay tiri Ashley.

Mas’uuliyiinta Australia ayaa sabab uga dhigay kororka xaaladan inay la xiriirto abaarta taagan iyo dabka keymaha oo saameyn ku reebay dhirta ay fiidmeerta ku tiirsan tahay.

Qeybo badan oo kamid ah Australia ayaa looga dhawaaqay abaar, waxaana laga baqdin qabaa inay sii xummaato xaaladda.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan