Home / Macluumaad / Abdulqawi Ahmed Yusuf, Somali guuleystay?

Abdulqawi Ahmed Yusuf, Somali guuleystay?

Waxa uu ku dhashay kuna barbaaray soomaaliya, waxa ay xudduntiisu ku duugantahay Magaalada Eyl ee Gobolka Nugaal, sanadii 1948 ayuu ifka yimid, tacliintiisa ilaa heer jaamacadeed waa dalka hooyo oo waxa uu ka baxay jaamacadda umadda, inkastoo heerka labaad iyo kan saddexaadba uu ku qaatay dalalka banaanka. Waxa uu kamid ahaa tobbankii macallin ee ugu horreysay jaamacadda umadda kuwaas oo lagu baddelay macallimiintii talyaaniga ee barayaasha ka ahaa kulliyadii sharcigga.

Saddexda sano ee soo socota ayuu ahaan doonaa guddoomiyaha maxkamadda cadaaladda aduunka ee ku taala Hague, Dalka Holland, islamarkaana ah waaxda QM u qaabilsan cadaaladda oo shaqadeedu tahay Nabad sugidda iyo Nabad abuuridda dawladaha dunida.

Waa shaqsi ay ku weyntahay qadiyadda Soomaalinimada; jecel inuu aqoontiisa uga faa’ideeyo soomaalida haddii ay xaaladu u saamaxdo, sanado dhawr ah ayuu ka soo shaqeeyay dhawr waaxood oo hoos yimaada QM, Sida  Hay’adda Waxbarashada Qaramada Midoobe  ee loosoo gaabiyo UNESCO, Hay’adda Qaramada Midoobay ee Horumarinta Warshadaha ee UNIDO, iyo u qaabilsanaha Shirka Qaramada Midoobay ee Ganacsiga iyo Horumarinta UNCTAD.

Mr Cabdiqawi, waa garsoore caalamiya oo horey madaxweyne ku xigeen uga soo noqday Maxkamadda ICJ, bare sare na ka ah jaamacado kala duwan oo ku yaala Qaaradaha Europe, Africa, Australia iyo America, sidoo kale waa seesdhigaha mac-had Qeynuunka caalamiga lagu barto oo ku yaala Arusha, Tanzania.

Mar uu lahadlayay warbaahinta waxa uu carrabka ku dhuftay iney tahay guushiisa mid u soo hoyotay umadda soomaaliyeed oo aan ku koobneyn kaligiis, in loo garto hogaanka maxkamadda cadaaladdana waxa uu ku tilmaamay soo buuxinta shuruudaha ruuxa lagu aaminayo xilkaas- sida inuu ku wanaagsan yahay luqadaha looga shaqeeyo maxkamadda, isku wadidda dhammaan inta kala tirsaneysa dhibaatada iyo tixgelinta aragtiyada garsoorayaasha oo idil.

Maxkamadda Cadaaladda aduunka ee iminka hogaankeeda loo gartay Cabdiqawi waxa la bud dhigay 70 sano ka hor, tan iyo billawga shaqadeeda waxa la horkeenay dacwada gaaraya 200, Shaqada ugu horeeysa ee hayadani waa xallinta muranka xadadka iyo ilaalinta heshiisyada dhulka ee wadamada xubinta ka ah. Sidoo kale waxay talobixin siisaa Golaha Sare ee hayadaha Qaramada Midoobay.

Cabdiqawi Ahmed Yusuf ayaa ku biiray  Maxkamaddaan 6  February 2009, hayeeshee lix sano kaddib ka mid noqoshadiisii garsoorayaasha Maxkamadda oo ku sumadan 6 February 2015, ayaa loo doortay guddoomiye xigeenka ICJ, saddex sano kaddib ayaa haddana iminka loo gartay in codka doorashada uu isagu mudanyahay; taas oo keentay inuu ku fadhiisto gursiga ugu sarreeya daarta lagu naaneeso, dhismaha Nabadda aduunka.

Waxaa qoray: Ismaaciil Maxamed Samatar

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan