Home / Habka-Nolosha / AC Milan: Gianluigi Donnarumma wuxuu doonayaa in uu sii joogo

AC Milan: Gianluigi Donnarumma wuxuu doonayaa in uu sii joogo

Muqdisho – Agaasimaha Isboortiga AC Milan, Massimiliano Mirabelli ayaa shaaca ka qaaday in goolhaye Gianluigi Donnarumma uu doonayo inuu sii joogo garoonka San Siro.

Donnarumma ayaa noqday goolhayihii ugu da’da yaraa ee ebid kasoo muuqda Horyaalka Talyaaniga da’diisa ayaa markaas aheyd 16 sano jir.

Yarkaan, waxa uu sidoo kale noqday goolhayihii ugu da’da yaraa ee abid u ciyaara xulka Italy markii uu saftay kulankiisii ugu horreeyey ee heer caalami ah Bishii September ee la soo dhaafay markaas oo xulku uu la ciyaaray kulan saaxiibtanimo Xulka qaranka France.

Kooxaha ka kala dhisan wadamada English-ka iyo Talyaaniga ee Juventus iyo Manchester United ayaa labadaba lala xiriirinayay inay u dhaqaaqi doonaan ciyaaryahankan da’da yar, laakiin sida uu warinayo  Mirabelli, Donnarumma waxa uu doonayaa in uu la sii joogo kooxdiisa haatan ee AC Milan.

“Waxaan la yeelanay wadahadalo Todobaadkii la soo dhaafay wakiiladiisa, wada hadalkaas waxa uu ahaa mid caadi ah, “Mirabelli ayaa sidaas u sheegay SPORT. “Waxaan sidoo kale wadahadalo layeelanay Gigio waxaan waydiinay hadii uu doonayo in uu sii joogo Milan.”

“Waxa uu ku jawaabay kaliya in uu ku  faraxsan yahay halkan uuna doonayo inuu u sii ciyaaro Milan.”

Donnarumma waxa uu ka soo baxay xerada ciyaartooy soo saarka ee AC Milan.

Abdi Aziz Adan Urur.

Cabdicaziiz149@gmail.com

 

.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan