Home / Cayaaro / AC Milan iyo Inter Milan oo soo gabagabeeyay xiisihii ay u qabeen Giroud

AC Milan iyo Inter Milan oo soo gabagabeeyay xiisihii ay u qabeen Giroud

Himilo- Olivier Giroud ayaa wajahayo rajada ah inuu kusii nagaado Chelsea ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka.

Isagoo ku dhacay dariiqa ugu sareeya ee Stamford Bridge, 33 jirka ayaa u furan inuu raadsado koox cusub bisha Janaayo isagoo dalbaday inuu booskiisa joogtada ah ka helo xulka France ka hor Euro 2020.

Iyagoo ka warqaba inay suurtogal ka dhigi karaan saxiixa ku guuleystaha Koobkii Adduunka qiimo jaban, AC Milan iyo Inter Milan ayaa lasoo jeediyay inay yihiin ugu macquulsan ee heli kara.

Tuttosport ayaa sheegeysa in kooxaha reer Talyaani ay soo gabagabeeyeen xiisihii ay u qabeen heshiiska sababo la xiriira mushaharka Giroud.

Warbixinta ayaa soo jeedineysa in halyeeyga lagu qasbi karo inuu sii joogo Blues ilaa iyo inta uusan diyaar u aheyn inuu heshiis la gaaro kooxaha xiiseynaya.

Giroud ayaa kaliya sameeyay sedex bilaw iyo afar badal oo dhamaan tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan ah.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan