Himilo- AC Milan ayaa miisaameyso inay u dhaqaaqdo daafaca Atletico Madrid Santiago Arias.
27-sano jirkan ayaa u soo dhaqaaqay kooxda Atletico isagoo ka yimid kooxda PSV Eindhoven xagaagii 2018 isaga oo u ciyaarayay xulkiisa Colombia koobka adduunka.
Arias ayaa 33 kulan u saftay xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay ee Madrid, isagoo gacan ka geystay hal gool isla markaana labo gool ka caawiyay kooxda Diego Simeone tartamada oo dhan.
Daafaca ayaa kaliya seddex kulan u saftay Atletico xilli ciyaareedkan, inkastoo, Kieran Trippier uu noqday daafaca midig ee dooqa koowaad ee kooxda reer Spain tan iyo markii uu xagaagii kaga soo biiray kooxda Tottenham Hotspur.
Sida laga soo xigtay Tuttosport, Milan ayaa isha ku heysa inay daafac cusub ay geeyaan San Siro sannadka soo socda, waxaana ay u aqoonsadeen Arias inuu yahay saxiix macquul ah sababtoo ah xaalada adag ee South American-kaan uu ku suganyahay.