Home / Cayaaro / AC Milan oo kula biirtay Arsenal doonista daafaca Jerome Boateng

AC Milan oo kula biirtay Arsenal doonista daafaca Jerome Boateng

Himilo – AC Milan ayaa lagu soo waramayaa inay Arsenal kula biirtay doonista saxiixa daafaca dhexe ee kooxda Bayern Munich Jerome Boateng.

Ciyaaryahanka 31 jirka ah ayaa lala xiriiriyay ka dhaqaaqista garoonka Allianz Arena isaga oo ku dhibtooday in uu xaqiijiyo booskiisa qeybtii hore ee xilli ciyaareedkii 2019-20.

Arsenal ayaa la rumeysan yahay inay ku dhawaatay kooxda ka ciyaarta Bundesliga si ay wadahadal uga galaan saxiixa ciyaaryahanka qaranka Jarmalka kahor dhammaadka bishan.

Gunners-ka ayaa la soo warinayaa inay kula soo wareegaan daafaca dhexe heshiis joogto ah balse waxaa la qiyaasaa in uu jiri karo heshiis ammaah ah.

Marka la eego Sky Germany, Milan ayaa si dhaw ula socota dhaqdhaqaaqa daafaca iyada oo diyaar u ah inay Arsenal kula tartanto saxiixa Jerome Boateng.

Bayern ayaa ku qiimeysay ciyaaryahanka adduun dhan £13 Milyan.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan