Himilo – Kooxda AC Milan ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay kala soo wareegeen kooxda Empoli Ismael Bennacer heshiis la rumeysan yahay inuu ku kacayo € 16m oo lagu daray gunnooyin.
21 jirkan heerka caalami ee xulka Algeria ayaa maray tijaabada caafimaad bishii July 23-keedii wuxuuna saxiixay heshiis shan sanno ah isagoo sannadkii mushaar ahaan u helaya 1.5 milyan Euro.
Waxaa si rasmi ah loo xaqiijiyay subaxnimadii maanta, in kasta oo uu ku maqnaa fasax dheer kaddib guushii koobka qaramada Afrika.
Bennacer ayaa wacdaro ka dhigay Empoli xilli ciyaareedkii hore, isagoo seddex gool caawiye ka ahaa 37 kulan oo Serie A ah.
Xogtiisa ayaa aad kor ugu kacday intii lagu jiray koobkii Qaramada Afrika, halkaas oo loogu magacaabay (Player of Tournament).
Dalabyo kale ayaa u yimid, gaar ahaan Premier League, laakiin Bennacer kama uusan hadlin.
21 jirka khadka dhexe ayaa Gunners kaga soo biiray kooxda Arles sannadkii 2015 laakiin waxa uu saftay hal kulan oo keliya – guuldaradii 3-0 ee EFL Cup ka soo gaartay Sheffield Wednesday 2015 – kii, waxaana laga iibiyay Empoli kaddib ammaah uu kusoo qaatay Tours.