Home / Habka-Nolosha / AC Milan oo xaqiijisay imaanshaha Rodriguez.

AC Milan oo xaqiijisay imaanshaha Rodriguez.

Muqdisho – Kooxda AC Milan ayaa xaqiijisay in laacibka Wolfsburg, Ricardo Rodriguez uu dhawaan imaan doono gegida San Siro.

Wakiilka laacibka xulka qaranka Switzerland ayaa toddobaakii hore xaqiijiyay inuu wada hadal kula jiray kooxda reer Talyaaniga ee Milan  – oo haddana ay kooxdu caddaysatay sida ay uga go’an tahay inay la saxiixato.

Sawir barta Twitter-ka lasoo dhigay ayaa diray farriin ah in Rodriguez uu kusii socdo gegida San Siro. Wuxuu laacibkani yimid dalka Talyaaniga si uu u dhameystiro heshiiska. “Waan ku faraxsanahay inaan halkan joogo. Walise lama hadlin maareeye VincenzoMontella,” ayuu yiri.

Rodriguez wuxuu noqonayaa saxiixii saddexaad oo ay Milan lasoo wareegto xagaagan. Mateo Musacchio iyo Franck Kessie ayay kol hore lasoo wareegtay.

 

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan