Himilo- Achraf Hakimi ayaa ku laaban doono Real Madrid xagaaga soo aadan isagoo doonaya inuu boos ka helo kooxda koowaad ee Isbaanishka.
21 sanno jirkan ayaa amaah ugu maqnaa kooxda Borussia Dortmund ilaa xagaagii 2018, waxaana uu si wacan ugu riyaaqay kooxda reer Jarmal intii lagu guda jiro ololaha 2019-20.
Xaqiiqdii, Hakimi ayaa dhaliyay lix gool 18 kulan oo uu u saftay BVB xilli ciyaareedkan, oo ay ku jirto afar gool afar kulan oo Champions League ah intii lagu jiray bilowgii xilli ciyaareedka.
Daafaca ayaa la filayaa inuu ku laabto Bernabeu xagaaga soo aadan, waxaana sidaa laga soo xigtay AS, Madrid ayaa qorsheyneyso inay dib ugu soo celiso kooxda koobaad bilowga ololaha 2020-21.
Hakimi ayaa la joogay Los Blancos ilaa lix jirkiisii , isagoo ka soo baxay nidaamka dhalinyarada isla markaana soomaray Real Madrid B ka hor inta uusan u ciyaarin kooxda koowaad bishii Oktoobar 2017.
Xilli ciyaareedkii hore, xiddiga heerka caalami ee dalka Morocco ayaa dhaliyay seddex gool iyo 7 caawin 28 kulan oo uu u saftay Dortmund.