Home / Habka-Nolosha / Adam Lallana oo kusoo laaban kara safka Liverpool kulanka  Southampton.

Adam Lallana oo kusoo laaban kara safka Liverpool kulanka  Southampton.

Muqdisho – Adam Lallana ayaa lagu soo warramayaa inuu Liverpool dib ugu soo laaban doono kulanka sabtida ee Premier League ee ay la leeyihiin Southampton.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka England ayaan weli u ciyaarin  Reds xilli ciyaareedkan ka dib markii uu dhaawac ka soo gaaray kulamadii la’is kuugu diyaariyaayey  xilli ciyaareedka 2017-18.

Sida laga soo xigtay Sky Sports News, Lallana ayaa ciyaaray kulan saaxiibtinimo oo ka dhacaya garoonka tababarka Liverpool Talaadadii, waxaana la filayaa inuu dib ugu soo laabto naadiga Jurgen Klopp ciyaarta ay la ciyaari doonaan kooxdiisii hore ee Southampton.

29 jirkaan, oo u soo dhaqaaqay Anfield xagaagii 2014, ayaa dhaliyay siddeed gool 35 kulan oo uu u saftay Liverpool xilli ciyaareedkii hore.

Kooxda Klopp ayaa haatan kaalinta shanaad kaga jirta horyaalka Premier League, afar dhibcood waxey ka hooseysaa kooxda kaalinta labaad ee Manchester United ka dib 11 kulan oo ay ciyaareen horyaalka xilli ciyaareedkan.

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan