Home / Cayaaro / Adam Lallana oo loo kordhinayo qandaraaska uu ku joogo Anfield

Adam Lallana oo loo kordhinayo qandaraaska uu ku joogo Anfield

Himilo – Adam Lallana ayaa lagu soo waramayaa in uu qalinka ku duugayo heshiis muddo kordhin wakhtigiisa gaaban yahay oo uu Liverpool kula sii joogayo illaa dhammaadka xilli cayaareedkan.

32 jirka ayaa dhaliyay 22 gool 178 kulan oo uu u saftay kooxda Reds tan iyo markii uu ku biiray sannadkii 2014-ka laakiin Lallana ayaa ku soo billowday keliya seddex kulan oo Horyaalka Ingiriiska ah ol-olaha 2019-20

Cayaaryahankii hore ee Southampton ayaa lala xiriiriyay kooxo ka dhisan Ingiriiska iyada oo Leicester City hoggaamineyso tartanka loogu jiro saxiixiisa.

Si kasta, sida laga soo xigtay The Independent, qandaraaska Lallana ee Anfield ayaa la kordhinayaa illaa laga soo gabagabeynayo horyaalka xilli uu taagan yahay xannuunka safmarka ah ee Karoona.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan