Himilo FM –Walwalka badan waa dareen tabban oo ku yimaada dadka qaar, waxaa jiri karta sabab qofka ka dhigaysa mid murugeysan oo dareema walwal badan.
Bogga Dumb Little Man ayaa soo bandhigaya qaar kamid ah sababaha qofka ku beera walwalka darran sida in uu waayay qof qaali ku ah oo ka dhintay, xiriir jaceyl oo fashilmay, shaqo la’aan ama qofka oo ku guuldareysta waxbarashada.
Qofka la nool walwalka waxa uu u baahan yahay talo dhaqtar hase ahaatee bogga Dumb Little Man ayaa soo koobaya xeelado qofka uu kaga guuleysan karo murugta badan.
1) Qor yoolalkaaga
Marka aad garato waxa uu yahay hadafkaaga billowga illaa dhammaadka, waxaa sahlan in aadan wax badan u arag culeys islamarkaana aadan dareemin walwal.
2) Hurdo
Hurdo kugu filan oo aad qaadato iyo nasiino maalintii ah waxaa la aaminsan yahay inay tahay xeelad muhiim ah oo kaa yareyn karta walwalka badan. Waa inaad hurdo qaadataa 8 saacadood.
3) Cayaaraha fudud
Maskaxda qofka cayaaraha sameeya waxay soo deysaa maado dabiici ah oo hagaajisa dareenka farxadda qofka. Sidaa darteed, waa inaad socotaa 15 daqiiqo maalintii.
4) Wehel ka dhigo cafiska
Dareenada aan wanaagsaneyn ee aan ka qabno dadka kale waa culeys saaran quluubteenna oo kordhinaya walwalka, sidaa darteed, dadka saamax oo cafi.
5) La saaxiib iftiinka qorraxda
Iftiinka qorraxda ayaa xambaarsan faa’iidooyin badan. Marka uu jirkaaga qaato, waxaad dareemaysaa awood iyo firfircooni. La saaxiib iftiinka qorraxda.
6) Cabista biyaha
Biyo badan oo aadan cabin waxaa laga dhaxlaa walwal iyo daal. Haddii aad caado ka dhigato cabista biyaha, waxaad heysaa xalka looga gudbo walwalka.
7) Akhriska buugaagta
Waa xeelad kale oo faa’iido leh. Wehel ka dhigo akhriska oo lagu tiriyo furaha farxadda.