Home / Cayaaro / Afar kooxood oo wada doonaya xagaaga soo aadan xiddig United ah

Afar kooxood oo wada doonaya xagaaga soo aadan xiddig United ah

Himilo- Kooxaha Juventus, Inter Milan, AC Milan iyo Borussia Dortmund ayaa dhamaantood lagu soo waramayaa inay muujiyeen xiisaha ay u qabaan saxiixa Nemanja Matic  oo si xor ah xagaaga dambe lagu heli karo.

Matic, oo ku soo biiray Manchester United sannadkii 2017, ayaa si aayar ah uga dhex muuqday Ole Gunnar Solskjaer, iyadoo xiddiga reer Serbia laga dhigay keliya mid  hal kulan  ku billowday shan kulan oo xilli ciyaareedkan la dheelay.

Khadka dhexe ayaa qandaraaskiisu dhacayaa dhammaadka xilli ciyaareedkan, taasoo la micno ah inuu xor u yahay inuu la hadlo kooxo kale laga bilaabo bisha Janaayo.

Sida laga soo xigtay Calcio Mercato, seddexda koox ee reer Talyaani oo ay  garab socota Dortmund ayaa qorsheynaya inay u dhaqaaqaan Matic marka suuqa kala iibsiga xagaaga uu furmo sannadka soo socda.

Talyaanigu wuxuu  noqday dal caan ku  ah doonista ciyaartooyda United ee aan loo baahnayn sannadkan, iyadoo Alexis Sanchez, Romelu Lukaku, Chris Smalling iyo Matteo Darmian ay dhammaantood u socdaaleen halkaas.

Fursadaha khadka dhexe ee United ayaa aad u yar xilli ciyaareedkan ka dib markii kooxda ay ku guuldareysatay inay hesho beddelkii Ander Herrera iyo Marouane Fellaini xagaagii.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan