Home / Habka-Nolosha / Afar xuquuq oo ay rakaabka leeyihiin balse aysan shaacin shirkadaha diyaaradaha

Afar xuquuq oo ay rakaabka leeyihiin balse aysan shaacin shirkadaha diyaaradaha

Himilo – Rakaab badan ayaa wajaha xaalado kala duwan sida isbadalka ku imaan kara duulimaadka diyaarada iyo sida habboon ee looga faa’iideysan karo adeegyadda qiimo-dhimista ee shirkadaha qaar.

Sida uu qoray bogga Aljzeera, waxaa jira adeegyo ay sameeyaan shirkadaha diyaaradaha qaar oo loogu talo-galay rakaabka balse aan inta badan daaha laga qaadin laakiin u baahan in qofka rakaabka ah uu codsado.

1) 500 Mile oo bilaash ah

Waa mid kamid ah adeegyadda laga heli karo shirkadaha duulimaadyada qaar laakiin waxay u baahan tahay in qofka rakaabka ah uu kala hadlo maamulka shirkadda. Tani waxay ku imaaneysaa marka shirkadda beddasho xilliga duulimaadka sabab kasta ha keentee.

2) Beddalka shirkadda duulimaadka

Haddii duulimaadka qof rakaab ah la baajiyo, waxaa ka dhalanaya adeeg ah in lagu xero diyaarad kale oo qaada. Tani waa adeeg waajib ah oo ay sameeyaan shirkadaha duulimaadka Yurub. Waxaa xusid mudan in rakaabka xaq u leeyahay in uu dalban karo duulimaad waafaqsan wakhtiga safarkiisa.

3) In rakaabka uu ka baaqan karo duulimaadka

Qofka rakaab ah waxa uu xaq u leeyahay in uu ka baaqan karo duulimaadka iyada oo aan la ganaaxin islamarkaana loo celinayo qiimaha ticket-ka. Tani waxay ku imaan kartaa keliya shardiga ah in uu rakaabka wargeliyo maamulka 24 saacadood ama inka badan kahor safarka.

4) Beddalka booska diyaarada

Haddii rakaabka uu qortay booska darajada koowaad ama halka ay fariistaan ganacsatada oo aan la siin, waxa uu xaq u leeyahay in uu dalban karo magdhaw muddo toddobaad gudaheed ah.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan