Home / Macluumaad / Akhriso Talooyin Kaa Saacidi Kara Inaad Nolosha Ka Guul Gaarto.
Concept conceptual 3D male businessman on stair or steps over sunset sky background, metaphor to success, climb, business, rise, achievement, growth, job, career, leadership, education, goal or future

Akhriso Talooyin Kaa Saacidi Kara Inaad Nolosha Ka Guul Gaarto.

Da’ kasta ahaw,Jinsiyadaad doonto u dhalo ama lahaw xirfadd kuu gaar ah waxaad doonto samee, dhamaanteen waxaan wadaagnaa waxyaabo guud sida rabidda inaad guuleysato.

Qof kasta waxa uu dagsadaa isla markaana uu tiigsadaa Hadafyo kala duwan, si kastaba qeexida Guusha iyo ahdaafta qaar ka mira dhalintooda masuuliyad ayaa la iska saaraa, halka dadka intooda badan gaaridda guushooda ay ku haleeyaan hanti ,Awood  iyo arimo kale.

Idilkeen waxaa dooneynaa inaan guuleysano sidaa darteed waa inaan ku noolaano nolol farxadeed oo aan haysano Dhaqaale madax banaan,Wadano Baabuur wanaagsan iyo inaan ku noolaano Guri qurxoon.

Inakastoo Guusha la gaari karo hadana ma aha mid sahlan oo si fudud lagu hanan karo.

Waxaa jira tilmaamo iyo halbeegyo kuwaas oo sheegaya halka iyo qaabka aad ku liibaani karto nolosha.

Guul waxaa ay timaadaa marka la helo dhamaan wixii aad rabtay inaad hanato, helideeda waxaa kaa xiga inaad la timaado ahdaaf ama qorshe toosan oo aad la kacdo subax kasta.

Halkan Hoose Ka Dheeho Talooyin qiimo badan oo laga soo guuriyay qaar kamida dadka ugu caansan ee caalamka loo diwaan galiyay inay guuleysteen:-

 

  1. Markasta wax weyn ka fikir.
  2. Baro Sida nolosha loo miisaamo.
  3. Ha ka baqin inaad guul dareysato.
  4. Ha laba-Labeyn.
  5. Noqo Mid Sameeya Ficil.
  6. Ha Ka Baqin soo bandhigidda Fikrado cusub.
  7. Aamin Awoodaada si aad u guuleysato.
  8. Had iyo jeer joogtee aragtida wanaagsan.
  9. Ha noqon mid niyad jaba.
  10. Noqo mid diyaar u ah qabashada hawl adag.
  11. Xooji Kalsoonidaada.
  12. Caddee Xirfadahaaga.
  13. Maal geli Xiriirkaaga.( sameyso asxaab badan)
  14. Qeex Damacyadaada.
  15. Sameyso Liis Goolal ah.
  16. Ku Noolow Rajo Buuxda.
  17. Noqo Mid Aqoon Leh.
  18. Maaree Dhaqaalahaaga.
  19. Maree Wakhtigaada.
  20. Ahaw Mid Faraxsan Daqiidad kasta.
  21. Ha bar bar dhigin noloshaada midda dadka kale.
  22. Xisaabso nimcada aad haysato.

 

Xigasho:-www.lifehack.org

About Himilo Radio

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan