Home / Habka-Nolosha / Alba: “Riyadaydu waa inan waqti badan usii ciyaaro Barcelona.”

Alba: “Riyadaydu waa inan waqti badan usii ciyaaro Barcelona.”

Muqdisho – Laacibka Spain u dhashay ee Jordi Alba ayaa doonaya inuu kusii nagaado kooxda Barcelona waqti badan iyada oo mugdi uu ku jiro mustaqbalkiisa.

Alba ayaa ku wareersan gudaha Camp Nou kadib markii laga saaray xulka hore ee naadiga. Waxaana isasoo tarayay warar xaggiisa la xiriirinaya dhinaca Manchester United.

28-jirkan xulka qaranka Spain katirsan ayaan macalin Luis Enrique ka helin boos joogto ah walow kulankii 3-0 ay kaga adkaadeen Espanyol uu ciyaaray.

Walow xaaladdiisu aysan aheyn mid togan, Alba malahan go’aan taban oo uu kaga dhaqaaqo kooxdiisa Barcelona.

“Niyadaydu mar kasta waxay aheyd inaan waqti badan u dheelo naadiga Barcelona,” ayuu yiri. “Taasna kama wada hadlin, hayeeshe laacibku wuxuu jecel yahay inuu dheelo mar kasta. Mana u ciyaarin si igu filan.”

“Ma doonayo inaan cudurdaar u raadiyo, hayeeshe hadda ugu yaraan waxaa i sugaya inaan kooxdayda kula guuleysto  La Liga iyo Copa del Rey.”

“Si kastaba oo ay tahayse, waan ku qanacsanahay marxallada aan ku jiro. Is-baddalka dhaca wuu i saameeyey in badan – u eegis la’aan inan ka helay iyo in kale. Waa inaan aqbalo.”

 

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan