Home / Habka-Nolosha / Alba: ” Valverde waa macalin geesi ah.”

Alba: ” Valverde waa macalin geesi ah.”

Muqdisho – Jordi Alba ayaa huba in waqti macaan uu ku hoos qaadan doono tababaraha cusub ee Barcelona, Ernesto Valverde kadib waqti an wacneyn oo uu la qaatay macalinkii hore ee naadiga  Luis Enrique.

Alba, oo 28-jir ah ayaa qirtay waqtiga qaraar oo uu ku hoos qaatay macalinkii hore kadib markii uu ka saaray shaxda hore ee kooxda Barcelona.

Xiddiga Qaranka Spain, ayaa 26 kulan ka dheelay dhamaan kulamadii ay kooxdu ciyaartay xagaagii idlaaday. Hayeeshe hadda oo macalinka Valverde uu soo caga-dhigtay, Alba waxaa u muuqda mustaqbal iftiimaya.

“Waan ku faraxsanahay imaanshiyaha macalin Valverde; waxay ila tahay inuu yahay macalin geesi ah,” ayuu yiri. “Wuxuu ka helaa ka dheelista dhanka quman kubadda cagta. Waxaan la hadlay asxaab badan oo uu leeayhay; waxayna iiga tilmaameen sifooyin wanwanaagsan.”

“Waab hubaa inaan sameyn karo si ka fiican sidii aan ku hoos sameeyey macalin Luis  Enrique xagaagii dhamaaday.”

“Mahelin waqtigii aan u baahnaa, waxaana doonayaa inaan sii wacnaado.”

“Xagaaga soo aadan wuxuu noqonayaa mid hagaagsan, waxaana sii jeedaalinayaa bilaabashadiisa. Waxaan ku niyad-weynahay inaan sida ugu fiican u dheeli doonno.”

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan