Home / Habka-Nolosha / Alex Oxlade-Chamberlain oo amaan badan ku helay bandhigga uu ka sameeyey kulankii Southampton

Alex Oxlade-Chamberlain oo amaan badan ku helay bandhigga uu ka sameeyey kulankii Southampton

Muqdisho – Taageerayaasha kooxda Arsenal kaliya lama dhicin guushii weyneyd ee ay kooxdoodu 5-0 ku suldaartay dhiggeeda Southampton – waxay sidoo kale amaaneen bandhigga laacibka Alex Oxlade-Chamberlain.

Laacibkan oo lagu naaneyso ‘The Ox’  ayaa Steve Bould oo ah sii haya xilka tababaraha ganaaxa uga maqan garoomada ee Wenger wuxuu kusoo bilaabay ciyaartii shalay oo katirsaneyd loolanka koobka England FA Cup.

Taageerayaasha ayaa hadaba baraha bulshada kusoo baahisay faallooyin ay ku mujinayeen sida laacibkan uu kooxda ugu hoggaamiyay guul ku jirta bandhig sarreeya.

Qaar kamid ah taageerayaasha ayaa ku sheegay bandhiggiisa inuu lamid yahay kan waaya’arag Andrea Pirlo.

Arsenal ayaa 5-0 kaga adkaatay kooxda Southampton waxayna ciyaarta xigta ee isla FA Cup-ka la dheeli doontaan naadiga Watford Talaadada soo socta. Halka Steve Bould uu tix-gelinayo inuu kusoo bilaabo laacibkan ciyaarta xigta.

Alex Oxlade-Chamberlain waa 23-jir katirsan qaranka England.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan