Home / Habka-Nolosha / Alex Oxlade-Chamberlain oo Chelsea ka doorbidaya jecelna Liverpool.

Alex Oxlade-Chamberlain oo Chelsea ka doorbidaya jecelna Liverpool.

Muqdisho – Arsenal qadkeeda dhexe, Alex Oxlade-Chamberlain ayaa hoos u dhigaya fursadda uu uga mid noqon karo kooxda heysata horyaalka  Premier League, sida ay warinayaan ilo wareedyo ay heleyso Sky.

Gunners ayaa kala heshiisay xiidigan heerka caalami ee reer England kooxda ay London kula xafiiltamaan Chelsea lacag la’aaminsan yahay in ay gaareyso £35m.

Si kastaba, Sky Sports News ayaa fahantay in 24-jirkan uu hamigiisu yahay in uu u dhaqaaqo naadiga Liverpool kahor maalinta ugu danbeysa ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda oo ku eg Khamiista.

Oxlade-Chamberlain heshiiska uu kula joogo kooxda ayaa idlaan doona dhamaadka xagaagan, waxaana kaga harsan 11 bilood oo kaliya.  Arsenal ayaana ku qasbanaan doonta in ay aqbasho xiisaha laacibkeeda si ay u hesho lacag maadaama uu xiddigan u u xor noqon doono kadib dhamaadka tartanka horyaalka ee sanadkan.

Oxlade-Chamberlain, oo hadda gudanaya waajibaadkiisa qaran ee safka Egland, ayaa kusoo bilawday dhamaan kulamadii Arsenal ee xagaagan, hayeeshe tababare Arsene Wenger ayaa guuldarradii 4-0- ee ka soo gaartay Liverpool Axadi korka kaga tuuray isaga.

Nigel Winterburn oo horay usoo maray kooxda Arsenal ayaa u sheegay Sky Sports News in la joogo waqtigii uu Oxlade-Chamberlain ka tagi lahaa Arsenal.

“Waa waqtigii uu bixi lahaa uuna gali lahaa tartan cusub.”

Qore: Abdiaziz Adan Urur.

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan