Home / Habka-Nolosha / Alexandre Lacazette oo doonaya Antoine Griezmann inuu Arsenal kala ciyaaro

Alexandre Lacazette oo doonaya Antoine Griezmann inuu Arsenal kala ciyaaro

Muqdisho – Weerar yahanka Arsenal Alexandre Lacazette ayaa doonaya in ciyaar yahanka  Atletico MadridAntoine Griezmann  uu usoo dhaqaaqo Gunners si uu uga garab ciyaaro isaga.

Griezmann ayaa si xoogan loola xiriirinaayay u dhaqaaqista Manchester United intii lagu guda jiray suuqii kala iibsiga ee xagagan, hayeesee weerar yahankan ayaa baaqi kusii ahaaday Madrid.

Man United ayaa wali la’aamin sanyahay in in ay xiise u qabto saxiixa 26-jirkan, hayeeshee Lacazette, oo ay yihiin saaxiibo isku wanaagsan Griezmann, ayaa ninkan reer French ku soo jiidaya garoonka Emirates Stadium.

“Waxan nahay saaxiibo aad iskuugu wanaagsan,” Lacazette ayaa u sheegay Day magazine.

“Haddii Griezzy igu soo booqdo London, waxaan weydiinayaa in uu kusoo biiro Arsenal,” ayuu kusii daray hadalkiisa.

Lacazette iyo Griezmann ayaa labaduba kamid ah safka France ee kulamda la iskuugu diyaarinayo koobka aduunka ee 2018, wadamada Bulgaria iyo Belarus ayeyna lasoo ciyaari doonaan todobaadkan.

Qore: Abdiaziz Adan Urur.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan