Home / Cayaaro / Alexis Sanchez oo aan ka qoomameyn doonin u dhaqaaqida Man United

Alexis Sanchez oo aan ka qoomameyn doonin u dhaqaaqida Man United

Himilo –Weeraryahanka Manchester United Alexis Sanchez ayaa shaaca ka qaaday inuusan ka qoomameynin u dhaqaaqitaankiisa Old Trafford.

30 jirkan, ayaa si ammaah ah ugu biiray kooxda Inter Milan inta ka dhiman xilli ciyaareedkan, wuxuu dhaliyay keliya shan gool 45 kulan oo uu u saftay United ka dib markii uu yimid kooxda bishii Janaayo 2018 oo uu noqday xiddiga ugu mushaarka badan.

Xiddiga reer Chile, oo qaata lacag gaareysa 400 kun ginni isbuucii, ayaa la kulmay dhaleeceyn weyn, laakiin wuxuu u sheegay BBC Sport inuu weli ku faraxsan yahay inuu u dhaqaaqo.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan aaday Manchester United,” ayuu yiri Sanchez, waxaan mar walba dhihi jiray taas, waa kooxdii ugu guulaha badneyd England.”

 “Waxaan doonayay inaan ku biiro oo aan ku guuleysto wax walba, kama qoomameynayo inaan halkaas aaday,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Sanchez ayaa dhaliyay 80 gool 166 kulan oo uu u saftay Arsenal ka dib markii uu 30 milyan ginni uga soo dhaqaaqay Barcelona bishii July 2014, laakiin qaab ciyaareed aad u liita ayuu la kulmay markii uu ku biiray United.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan