Muqdisho : Tababaraha kooxda Arsenal ee Arsene Wenger ayaa ku kalsoon in Chilean-ka heerka caalamie ee Alexis Sanchez uu diyaar u noqon doono kulanka kooxdiisu ay wajihi doonto naadiga Liverpool.
Maamulahan ayaa xaqiijiyay in Alexis Sanchez uu soo muuqan doono kulanka Premier League ee ay la dheeli doonaan Liverpool Axadda.
Xiddigan u dhashay wadanka Chile ayaan u ciyaarin naadiga Gunners tan iyo markii uu bilaawday xili ciyaareedkan, waxaana mustaqbalkiisa soo food saaray shaki iyo in uu ka tagayo naadiga milkiyan leh ee Arsenal.
Alexis ayaa weli heshiis cusub u saxiixin kooxda ka dhisan Emirates Stadium, taas oo la micno ah inuu kadhaqaaqi karo xagaaga soo aadan naadiga si bilaas ah.
28 jirkaan ayaa lala xiriirinayaa inuu u wareegayo Manchester City ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga 31-ka bisha Agoosto, Laakiin waxay u muuqataa inuu ku sii negaan doono garoonka Emirates Stadium iyadoo kooxda ka dhisan Waqooyiga London ay dooneyso inay ka soo kabsato guul darradii Stoke City marka ay u socdaalaan Anfield.
“Waxa uu diyaar u yahay inuu ciyaaro,” Wenger ayaa sidaas ku xaqiijiyay shirkiisa jaraa’id ee ciyaarta ka hor. “Go’aan ayaan ka gaari doona, guud ahaan wuxuu u muuqdaa qaab wanaagsan”.
“Mar walba wuxuu diirada saarayaa shaqadiisa, sababtoo ah wuxuu jecel yahay inuu ciyaaro kubada cagta, Uma maleynayo inuu ku dhibtoonayo hadalada leysla dhax qaadayo ee ku aadan mustaqbalkiisa, kaliya wuxuu haatan u shaqeenayaa si adag, xaaladiisa caafimaad aad bey u wanaagsan tahay Sanchez”, ayuu kusii daray hadalkiisa.
Macalinki hore ee kooxda Monaco ayaa sidaas oo kale aaminsan in xiddigan South American-ka ah uu sii joogi doono kooxda.
“Xaqiiqada ah in uu guda galay sanadkisi ugu danbeyay ee heshiiskiisa macnaheedu ma’ahan in aanan waasici kari, ayuu yiri.
Wenger waxa heysta madax xanuun kaas oo ku aadan sida uu heshiiyo uga saxiixan lahaa xidigissisa marka laga soo tago Alexis Sanchez,laacibiinta kale ee Mesut Ozil, Alex Oxlaide-Chamberlain iyo Jack Wilshere dhamaantood heshiiskooda ayaa dhacaya dhamaadka xagaagan.
W/Q: Abdi Aziz Adan Urur.