Home / Macluumaad / Aljeeriya: Haweenay katirsan safaaradda Talyaaniga oo dacwad ka gudbisay diiq

Aljeeriya: Haweenay katirsan safaaradda Talyaaniga oo dacwad ka gudbisay diiq

Himilo – Dadka adeegsada baraha bulshada dalka Aljeeriya ayaa faallooyin ka dhiibtay sheeko ku saabsan dacwad ay diblumaasiyad katirsan safaaradda Talyaaniga ka gudbisay diiq uu lahaa muwaadin u dhashay dalkaasi.

Dadweynaha ayaa baahiyay muuqaal ninka leh diiqa uu ku dhalleeceynayo booliiska oo la wareegay diggaaga isaga oo ka dalbanaya inay dib ugu soo celiyaan.

Ninka leh diiqa ayaa tilmaamaya in diblumaasiyad katirsan safaaradda Talyaaniga e Aljeeriya ay ka cabatay dhawaaqa diiqa oo ay dacwad ka gudbisay iyada oo aysan jirin digniin hore.

Dadka reer Aljeeriya ayaa bilaabay ol-ole ay ku taageerayaan ninka lahaa diiqa iyaga oo codsaday in dib loogu soo celiyo.

Booliiska aya laga soo xigtay in aysan oggeyn halka uu ku sugan yahay diiqa lagala wareegay muwaadinka reer Aljeeriya.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan