Muqdisho – Massimiliano Allegri, ayaa sheegay inuusan rumeyneyn ama beenineyn wararka la xiriirinaya inuu badalo macalinn Arsen Wenger oo heshiiska uu kula jiro Arsenal uu gabagabo ku dhow yahay.
Cadaadis ayaa ku kordhay mustaqbalkiisa Arsenal, kadib markii uu mugdi hareeyay bandhigyadii danbe ee Emirates Stadium.
Wenger ayan ku jirin heshiis, kooxdana waxaa lala xiririnayaa inay wadahadal kula jirto Massimiliano Allegri, macalinka Marwada Duqda ah, oo 67-jir ah.
Si kastaba, Allegri oo hadlay ciyaartii ay 2-0 ku suldaareen Crotone kadib, wuxuu ku adkeystay in wararka jira uu isagaba maqlay.
Madaxweynaha Juventus, Giuseppe Marotta, ayaa isaguna tilmaamay in Allegri uu kusii nagaan doono horyaalka Italian Seria A.
“Majirto sabab uu kaga dhaqaaqo naadiga, waaayo waxaan u heynaa qadarin iyo kalgacal.”
Allegri ayaa Juventus kula guuleystay horyaalka Seria A iyo Coppa Italia laba jeer isaga oo sidoo kale soo gaarsiiyay finalka Champion League.