Himilo FM –Tababaraha Juventus Massimiliano Allegri ayaa kalsooni ku qaba in Cristiano Ronaldo uu taam u noqon doono kulanka arbacada ee UEFA Champions League oo ay la leeyihiin Ajax.
Ronaldo ayaa seegay seddexdii kulan ee ugu danbeysay ee Juventus isagoo dhaawac muruqa ah ku maqnaa kaddib markii ay dhibaato soo gaartay intii lagu guda jiray waajibaadka xulka qaranka Portugal.
Bianconeri ayaa si wacan uga soo kabatay gool looga hormaray qeybta koowaad ee ciyaarta , waxaana ay awood u yeesheen inay 2-1 ku garaacaan AC Milan kulan katirsan Serie A. Kaddib kulankaasi, Allegri ayaa sheegay in uu aaminsan yahay in Ronaldo uu diyaar u noqon doono safarka Amsterdam.
Waxa uu intaa raaciyay Allegri “Ronaldo marwalba wuxuu dareemayaa in uu diyaar yahay laakiin waxaan u sheegay in uu ka nasanaayo kulankii Milan.”