Home / Habka-Nolosha / Alli: “Wax kasta way dhici karaan mustaqbalka.”

Alli: “Wax kasta way dhici karaan mustaqbalka.”

Muqdisho – Xiddiga Tottenham, Dele Alli ayaa sheegay inuusan aad uga warwarayn ka fikirka waqti dheer oo uu kusii qaato naadiga.

21-jirka ayaa taniyo markii uu naadiga kaga yimid MK Dons sanadkii 2015 wuxuu sameeyey bandhig ciyaareed lala dhacay, wuxuuna ku guuleystay laacibka da’yarta sanadkan.

Xiddiga England waxaa magaciisa lala xiriirinayay adduun lacageed uu dhamaadka xagaagan kaga tegi karo kooxdiisa – Real Madridna waxay ku jirtaa kooxaha aadka u xiisaynaya saxiixiisa.

Alli ayaa soo jeediyay inuu tix-geliyo ku qaadashada inta waqtigiisa ka dhiman naadiga, hayeeshe wuxuu sheegay in wax kasta ay dhici karaan mustaqbalka.

“Waa muhiim inaad ku raaxaysato socdaalka haddii aan ku dhamaado 15-sano ee soo socta gegida naadiga kuna howl-gabo,” ayuu u sheegay Sky Sports. “Waxay ila tahay way ii muhiimsan tahay inaan kasii hordhacno waxa dhici kara mustaqbalka.”

“Wadada kubadda cagta dhexdeeda, wax kasta way dhici karaan, laakiin hadda waan ku raaxaysanayaa waqtigayga.”

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan