Muqdisho – Laacibkii hore ee Real Madrid, Xabi Alonso ayaa sheegay inuu ugu badnaan ku sigtay inuu ku biiro kooxda Barcelona kahor intuusan kamid noqon kooxda caasimadda ka dhisan ee Madrid.
Alonso ayaa kasoo dhaqaaqay kooxda Liverpool ee Ingiriiska isaga oo yimid Real Madrid sanadkii 2009 lana qaaday koobabka La Liga, Champions League, Copa del Rey iyo Supercopa de Espana kahor intuusan Pep Guardiola kala mid noqon naadiga Bayern Munich shan sano kadib.
Hayeeshe waxay ku aheyd mid u kala duwan xaggiisa – Alonso kaas oo la filayo inuu ciyaaraha ka fariisto dhamaadka xagaagan.
“Waxay tani dhacday inyar kahor intaan kamid noqon Madrid,” Alonso ayaa u sheegay El Pais. “Liverpool ayaa ii sheegtay inay dooneyso inay iskakay iibiyaan, macalin Pepna wuxuu muujiyay xiisaha uu ii qabo.”
“Wuxuu ii sheegay inuu ila saxiixanayo waayo sida uu u sheegay Rafa, waxaan ahaa jaadka laacib ee uu jecel yahay bandhigyadooda.
Alonso, oo 35-jir ah, ayaa 23 kulan kasoo muuqday kooxdiisa Bayern Munich xagaagan iyada oo naadigan difaacanaya koobka Champion-ka ay sideed dhibcood ku hoggaaminayaan horyaalka Bundusliga.