Home / Habka-Nolosha / Alonso oo xaqiijiyay qorshaha uu ugu dhaqaaqayo maamulka kubada cagta.

Alonso oo xaqiijiyay qorshaha uu ugu dhaqaaqayo maamulka kubada cagta.

Muqdisho – Xiddigii hore ee Liverpool iyo Real Madrid, Xabi Alonso ayaa ku dhawaaqay inuu ka shaqeynayo inuu noqdo tababbare.

Xiddiga reer Spain ayaa ka fariistay ciyaaraha dhammaadka xilli-ciyaareedkii hore ka dib saddex sano oo uu joogay Bayern Munich.

Intii uu kubada cagta ciyaarayay, ciyaaryahanka khadka dhexe wuxuu ku guuleystay 13 koob oo waaweyn, oo uu ku jiro labo Champions League oo isku xiga intii uu ku sugnaa  Liverpool, Madrid iyo Bayern.

Alonso ayaa ka mid ahaa taageerayaasha kooxda Anfield muddo shan sano ah oo uu joogay kooxda Merseyside, halkaas oo uu u saftay 210 kulan wuxuuna ka caawiyay kooxda inay ku guuleysato koobkeedii shanaad ee European Cup iyo sidoo kale FA Cup.

Hadda 35 jirkan ayaa diiradda saaray door cusub, isaga oo ka hadlayay sheekooyinka Instagram: “Ka dib 17 sano oo aan ciyaaray, waxaan tix-geliyay tallaabada xigta ee xirfadeyda, waxaan go’aansaday inaan maamulo sida ugu dhaqsiyaha badan. ”

Alonso, oo xirfadiisa ciyaareed ku bilaabay Real Sociedad, ayaa sidoo kale 114 kulan u saftay Spain.

Qore: Hanaa Maxamud Maxamed.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan