Muqdisho – Weeraryahanka kooxda Chelsea, Alvaro Morata ayaa sheegay in tababbaraha Manchester United, Jose Mourinho uu haatan yahay shaqsi uu la tartamayo – xilli labada kooxood ay isku diyaarinayaan kulanka Axadda.
Morata ayaa kulankiisii ugu horreeyey oo uu saftay waxaa fursadda siiyey Mourinho intii uu joogay Real Madrid sanadkii 2010-ka, waxaana uu ku guuleystay Horyaalka La Liga labo jeer afartiisii sano oo uu ku sugnaa Madrid.
Weeraryahankan ayaa mar kale la kulmi doona Mourinho marka Chelsea ay wajaheyso United-ka bilawga toddobaadkan ka dib markii ay Blues-ku kasoo iibsatay Real xagaagii dhamaaday.
“Xiriir fiican ayaan la leeyahay Jose Mourinho,” Morata ayaa sidaas u sheegay saxaafadda. “Wuxuu ahaa tababarihii ugu horreeyay ee kubadda cagta, waxaana uu i siiyay fursad aan ku noqon karo xirfadle, wuxuu ii sameeyey heshiiskii ugu horreeyay.”
“Mararka qaar waxaan ku sheekeysanaa farriimo, lakiin kama hadalno kubada cagta, hadda cadawgeyga ma’ahan waxaa shaqsi aan la tartamayo,” ayuu kusii daray hadalkiisa.
Chelsea ayaa afar dhibcood ka danbeysa United-ka ay Axadda soo dhaweyn doonto.
Qore: Abdiaziz Adan Urur.