Home / Habka-Nolosha / Alvaro Morata kasoo muuqanaya kulanka Chelsea ay wajahayso Bayern Munich.

Alvaro Morata kasoo muuqanaya kulanka Chelsea ay wajahayso Bayern Munich.

Muqdisho – Tababaraha Chelsea, Antonio Conte ayaa shaaca ka qaaday in uu doonayo  Alvaro Morata kulanka saaxiibtinimo oo habeennimada Talaadada ah ay la balansan yihiin kooxda Bayern Munich.

24 jirkan ayaa dhamaystiray heshiis Rikoor ah oo uu kaga yimid kooxda Real Madrid Jimcihii hore, wuxuuna si deg-deg ah ugu duulay Bariga Fog, si uu ula midoobo ciyaartoyda kooxda ee ku sugan halkaas.

Morata ayaa hal maalin oo kaliya ku sugan tabarka Chelsea, laakiin wuxuu qeyb ka noqon doonaa  safka wajihi doona Bayern kulanka ka dhici doona  Singapore.

“Waa qorshahayga in isaga lasiiyo mucquulnimada uu kaga qeyb noqon karo kulanka,” ayuu u sheegay warbaahinta.

“Waa ciyaaryahan da ‘yar, laakiin waxa uu leeyahay qibrad badan,” ayuu kusii daray.

Chelsea ayaa sanadkii lasoo dhaafay ku guulaysatay horyaalka English-ka hayeeshee waxa ay ka maqnayd koobka horyaallada Yurub oo ay sanadka soo aadan qeyb ka noqon doonto.

Morata ayaa u dhaliyay 20 gool Real Madrid dhamaan tartamada xagaagii dhamaaday, marka loo fiiriyo  cel-celis ahaan goolashiisa iyo kulamada uu saftay La Liga wuxuu kabadan yahay ciyaaryahan waliba marka laga reebo  superstar-ka  Barcelona ee Lionel Messi.

Qore: Abdiaziz Aadan Urur.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan