Home / Habka-Nolosha / Alvaro Morata uu xulkiisa Spain aan u safan doonin kulamada is-reebreebka koobka adduunka

Alvaro Morata uu xulkiisa Spain aan u safan doonin kulamada is-reebreebka koobka adduunka

Muqdisho – Alvaro Morata ayaan la heli doonin kulamada waajibadka qaran ee xulkiisu iskuugu diyaarinayo koobka aduunka ee 2018 ka dhici doona Russia kadib markii uu dhaawac soo gaaray kulankii ugu danbeeyey ee ay ciyaartay Blues.

Morata ayaa laga saaray ciyaartii ay 1-0-ka kaga badiyeen Manchester City  Axaddi daqiiqaddii 35aad ee qeybti hore kulanka.

Natiijadaas, ciyaar yahankii hore ee kooxda Real Madrid  suurtag uma noqon doonto in la helo kulamada Spian ay la ciyaari doonto wadamada Albania and Israel, La Roja ayaana kamid ah wadamada isha goonida ah lagu heyn doono marka ay ka tartamayaan koobka aduunka ee Russia.

Xiddiga Barcelona, Andres Iniesta ayaa sidaas oo kale maqnaan doona kadib markii uu dhaawac kasoo gaaray kulankii Las Palmas ee galabnimadii Axadda, halka uu wadnaha dhibaato ka qabo xiddiga difaaca ka ciyaara ee Real Madrid Dani Carvajal kaas oo isna seegi doona kulamda soo aadan ee xulka.

Spain ayaa hadda saddex dhibic oo nadiif ah ka sareysa xulka kusoo xiga ee Italy Group G.

Xiddiga Real Sociedad Alvaro Odriozola iyo laacibka Las Palmas Jonathan Viera ayaa ah labada waji ee ku cusub safka kooxda qaranka Spain.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan