Home / Cayaaro / Alvaro Odriozola “Benzema waa numberka 9aad ee ugu fiican adduunka.”

Alvaro Odriozola “Benzema waa numberka 9aad ee ugu fiican adduunka.”

Himilo FM –Alvaro Odriozola ayaa ku tilmaamay xiddiga Real Madrid Karim Benzema “Numberka 9aad ee ugu fiican adduunka.”

Benzema ayaa dhaliyay goolkiisii 23aad ee xilli ciyaareedkan kulankii ay Madrid 3-2 kaga badisay Huesca habeenkii axadda.

Odriozola ayaana ku adkeysanaya in aan Numberka 9-ka ugu fiican adduunka uu yahay xiddiga u dhashay Faransiiska.

“Karim waxa uu leeyahay tayo aan caadi aheyn” ayuu Odriozola u sheegay TV-ga Real Madrid.

Benzema ayaa dhaliyay 215 gool 458 kulan oo uu u saftay Los Blancos tan iyo 2009-kii oo uu kaga soo biiray kooxda Lyon isagoo kula guuleystay labo horyaal oo La Liga ah, labo Copa del Reys iyo afar Champions League intii uu joogay kooxda.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan