Home / Habka-Nolosha / Alves oo heshiis laba sano lagalaya Man City

Alves oo heshiis laba sano lagalaya Man City

Muqdisho – Dani Alves heshiis laba sano ah la galay kooxda Manchester City waxaana la filayaa inuu dhankeeda u dhaqaaqo marka xaaladda heshiis ee Juventus la xaliyo.

Alves ayaa la kulmay madaxda kooxda Juve si loo dardar geliyo tegitaankiisa.

Jariiradda Gazzetta dello Sport ayaa shaacisay in Alves uu toddobaadkiiba ka qaadan doona City adduun dhan  £60,000 xilli £100,000 toddobaadkiiba uu ka qaadan jiray Barcelona.

City ayaa filaysa in heshiis ku dhaqan galo muddo kooban, Juventus ayaana laga dhursugayaa inay laacibkan kusoo anbabaxiso 48-kii saacadood ee soo aadan.

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan