Home / Habka-Nolosha / Alves oo shaaciyay wixii uu ku yiri Neymar.

Alves oo shaaciyay wixii uu ku yiri Neymar.

Muqdisho – Dani Alves ayaa shaaciyay wixii uu ku yiri Neymar xilli xiddiga Barcelona uu garoonka kaga baxay oohin dhamaadka ciyaartii ka dhacday Camp Nou.

Juventus ayaa awood kaga saartay tartanka Champion League kooxda Catalans lagu naaneyso ee Barcelona oo ay kaga adkaatay 3-0.

“Waxaan u sheegay in tani ay tahay nolosha aan wajaheyno caadi ahaan,” ayuu Alves u sheegay  beIN Sport.

“Ma doonayo inaan noloshayda ku cabbiro kulankan; waynu wada aragnay wixii dhacay; waana ay adkeyd.”

“Waa inaan diiradda saarnaa shaqadeenna; dareenku wuu jirayaa had iyo jeer.”

Alves, oo 33-jir ah, ayaa ku sugnaa Barca intii u dhaxeysay 2008 ilaa 2016 wuxuuna saftay ku dhawaad 400 oo kulan kooxda Camp Nou ku dheesha isaga oo la qaaday saddax jeer koobka Champion League.

Wuxuu si xor ah ku yimid kooxda Juventus xagaagii hore; isaga oo ka caawiyay kooxda horyaalka Talyaaniga inay soo tiigsato wareegga afar-dhamaadka UCL – halkaas oo ay wajihi doonaan kooxaha Real Madrid, Atletico Madrid ama Monaco midkood.

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan