Home / Dhaqaale / Amazon oo noqotay shirkadda ugu qiimaha badan caalamka

Amazon oo noqotay shirkadda ugu qiimaha badan caalamka


Himilo FM – Amazon oo la aas’aasay 25 sanno kahor ayaa noqotay shirkadda ugu qiimaha badan caalamka oo dhan iyada oo ka sarro martay shirkadda caanka ah ee Microsoft.

Shirkadda dhinaca online-ka ah ayaa qiimaheeda uu gaaray 797 Bilyan oo doolar markii la soo xeray suuqyada saamiyadda Mareykanka isniintii tagtay halka Microsoft lagu qiimeeyay 789 Bilyan oo doolar.

Sida laga soo xigtay sahanka Bloomberg, waa markii ugu horreysay oo Amazon ku fariisato booska ah shirkadda ugu qiimaha badan dunida.

Qiimaha labada shirkadood ee Mareykanka ayaa isu dhawaa dhowrkii billood ee ugu danbeysay.

Amazon waxaa aas’aasay Jeff Bezos sanadkii 1994 iyadoo ku billowday shaqadeeda inay iibiso buugaagta gacanta labaad ee qof uu dib isaga iibiyo.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan