Himilo FM –Shirkada American Airlines ayaa raali gelin ka bixisay tallaabo uu mid kamid ah shaqaalaheeda kaga saaray diyaarada haweenay iyo cunuggeeda sabab la xiriirta midabka maqaarkooda.
Warbaahinta Fox News ayaa ka soo xigatay shirkada inay ka xun tahay falka dhacay islamarkaana la siinayo haweenayda mag dhaw ku saabsan safarka ka baaqday.
Wargeyska Daily Mail ee dalka Ingiriiska ayaa qoray in Jordan Felix raacday diyaarad ay leedahay shirkada American Airlines oo ka tagaysay Taxes iyadoo ku sii jeeday magaalada Dallas oo isla gobalkaasi katirsan.
Waxay dooneysay haweenayda inay soo aragto ninkeeda kahor inta uusan ku biirin cutub cusub oo kamid ah ciidanka Mareykanka balse taa baddalkeeda, waxay wajahday xaalad lagu faquuqay iyada iyo cunuggeeda caano nuugga ah.
Iyadoo xaaladda deggan tahay oo shaqaalaha diyaarada u dhoola caddeynayaan iyada iyo wiilka sannad jirka ah ayaa mar qura waxaa isbadashay xaaladda.
Mid kamid ah shaqaalaha shirkada diyaaradaha American Airlines aya u yimid haweenayda, waxanaa uu wax ka weydiiyay waxa uga dhacay maqaarka iyada iyo cunuggeeda iyo haddii ay heysato warqad dhaqtar oo u oggolaaneysa inay ku safarto diyaarad.
Ms Jordan ayaa u sheegtay shaqaalaha in iyada iyo wiilka ka cabanayaan xaalad caafimaad darro oo mar la arag ah oo ku dhacda maqaarka laakiin shaqaalaha kuma qancin hadalka haweenayda, waxa uu ku amray inay ka dagto diyaarada iyada iyo cunuggeeda.
“Waligay lama kulmin dullinimo, waxaan u diray farriin, waxaan ka sugayaa jawaab,” ayay ku tiri haweenayda qoraal ay dhigtay baraha bulshada.
Xannuunka haweenayda ayaa lagu sheegay inuu yahay mid aan inta badan la arag oo ku dhaca dadka iyadoo midabka maqaarka qofka u ekaanayo kan kalluunka.