Home / Habka-Nolosha / Ancelotti: “Bayern hurdadeeda uma luminayso ka fikirka Real Madrid.”

Ancelotti: “Bayern hurdadeeda uma luminayso ka fikirka Real Madrid.”

Muqdisho – Macalinka kooxda Bayern Munich, Carlo Ancelotti ayaa u sheegay ciyaartoydiisa inay lumin doonaan jiifka haddii ay waqti badan ku bixiyaan ka walwalka kulanka ay Real Madrid la ciyaari doonaan Arbacada.

Kooxda heysata horyaalka Bundesliga ayaa waji ugu horreeya ee wareega afar dhamaadka kula balansan Real Madrid garoonkeeda Allianz Arena.

Bayern Munich ayaa bandhig hordhac ah ka sameeyey guul weyn kadib markii ay kooxda Borussia Dortmund ku dhifatay 4-1.

Tiiyoo taasi ay maskaxda ku hayaan, Ancelotti wuxuu sheegay in ciyaartoydiisu ay u baahan yihiin inay kaliya diiradda saaraan kulanka – oo aanay isha la raacin awoodda aan la dhayalsan karin ee kooxda hoggaaminaysa horyaalka La Liga ee Real Madrid.

“Waa inaan kaliya diiradda saarnaa bandhigeenna; isku dubbaridnaanteenna iyo qaab ciyaareedkeenna,” ayuu yiri. “Waa inaynan ka fikirin Real Madrid.”

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan